NORWEY: Somali badan oo ku cidday Magaalada Trosmo
Soomaalida ku nool magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norwey ayaa maanta si weyn ugu debaal degty Munaasabadda Ciidul Adxa taasoo dunida Muslimka ah laga xusayay.
Somali badan ayaa ka qayb gashay salaadda ciidda oo lagu tukaday gudaha hoolka weyn ee Tromso Hallen, waxaana isugu yimid boqolaal muslimiin ah oo ku kala nool gudaha iyo daafaha magaalada, kuwaasoo isugu jiray; Waxgaradka,Dhallinyarada,Haweenka iyo Caruurta ku nool Tromsø oo si weyn looga dareemayay farxadda Ciidda.
Soomaalida ku nool magaalada Tromsø iyo ajaaniibta kale ee islaamka ah ayaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya maalintaan aadka u qiimaha badan.
Bulshadii salaadda ka qayb gashay oo wajiyadooda laga dheehanayay farxad iyo dhammaashaad ayaa iskula dar-daarantay inay is-cafiyaan islamarkaana alle dhinaciisa loo noqdo.
Culumaa'udiinka Magaalada Tromsø ayaa iyaguna soo bandhigay Muxaadarooyin diini ah oo ku saabsan ahmiyadda ay leedahay weyneenta Ciidul Adxa, waxayna sidoo kale dadka fareen inay dalka Somalia u duceeyaan si uu u noqdo mid xasilloon.
GAROWEONLINE