12 qof oo ku dhimatay weerar ka dhacay deegaanka Qorilay gobolka Sool

Image

23 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya deegaanka Qorilay ee gobolka Sool ayaa sheegay inay dhinteen in ka badan 12 ruux, ka dib weerar xalay lagu qaaday tuuladaasi.

Sababta weerarka ayaa lagu sheegay colaad muddo soo socotay oo u dhaxeysa laba beelood oo ka kala tirsan Dhulbahante iyo Cumar Maxamuud.

Weerarka ayaa sidoo kale sababay dhaawaca tiro ka badan sagaal ruux, waxaana lagubay gaawari dhawr ah halka kuwa kale weerarka lagu kaxaystay sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Burtinle oo la hadlay Garowe Online.

Xaaladda ayaa haatan dagan, balse waxaa laga cabsi qabaa in dagaal mar kale dhaco, maadaama sida wararku nagu soo gaarayaan ay jiraan ciidamo ka soo baxay dhinaca Laascaano iyo labada mallayshiyo oo isku horfadhiya goobta dagaalku ka dhacay.

Dowladda Puntland ilaa hadda wax kama qaban coladda oo muddo socotay, waxaana jirta waxgarad isu xilqaamay daminta arrintaasi, balse xukuumadda  ka waayay kharashaadkii ay ku tagi lahaayeen deegaanka lagu diriray.

Maaha markii ugu horraysay oo daagaalku dhexmaro labada beelood, balse waxa uu soo socday muddo ka badan 10 sano, waxaana fashilmay hishiisyo la dhexdhigay beelaha dagaalamaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM