​15 qof lala xiriirinayo Shabaab oo Garowe lagu qabtay

Image

GAROWE- Sida uu cadeeyay taliyaha qaybta Boliiska gobolka Nugal, waxaa magalada Garowe caasumadda Puntland lagu soo qabtay 15 qof oo loo malaynayo inay katirsanyihiin Shabaab kadib markii lagusoo qabtay dareyska ciidamada.

Ragga lasoo qabtay ayaa dhammaantood daganaa hal guri, iyadoo baydkaasi la wareegeen ciidamada ammaanka, waxayna u cuskadeen go'aamo horay loo soo saaray kuwaasoo bulshada farayay inay iska hubiyaan shakhsiyaadka guryaha laga kiraynayo.

Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Abshir Farax, oo la hadlay Radio Garowe ayaa tilmaamay in shakhsiyaadka lasoo qabtay baaritaan lagu samayn doono islamarkaana aysan qofna ku tacadiyayn ee ruux walba heli doono wixii baaritaankaasi kasoo baxa.

Taliyuhu wuxuu ammaan iyo bogaadin usoo jeediyay bulshada casumadda oo ku bogaadiyay qaabka ula shaqeynayaan ciidamada saacad walba ku howllan sugidda nabad galyada Puntland.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada ammaanku qabtaan dad la xiriirinayo Shabaab, balse waxaa la xoojiyay howlgallada laga samaynayo magaalooyinka waaweyn ee Puntland wixii ka dambeeyay dagaalkii lagu jabiyay mallayshiyaadkii ka tirsanaa kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM