150 arday oo dhamaystay farsamada xirfadaha gacangta

Image
Image
Image
Image

GAROWE 16 May, 2015 ( GO)- Dusiga Farsamada gacanta Garowe( GVTC) ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad qallin jabin ah oo 150 dhallinyaro ah ku dhamaysteen 7 xirfadood kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dayactirka gaadiidka, korontada, maamulka hotelada, ganacsiga,computerka, cunno karinta iyo kuwo kale.

Qalan Jabinta ayaa waxaa ka soo qayb galay wasaarado ay ka mid ahayd wasaarada Waxbarashada qaybteeda farsamada gacanta,waalidiin, hay'adaha UNICEF, WFP Iyo Hay'ada NRC oo fulinaysay mashruucan.

Agaasimaha waaxda mashaariicda farsamada gacanta wasaarada waxbarshada Puntlanad Cabdinaasir Xirsi ayaa dhalinyarada bartay xirfadaha kala duwan u sheegay inay ku shaqaystaan si aysan u ilaawin.

Xuseen Xaaji maamule ku xigeenka dugsiga farsamada gacanta ayaa tilmaamay inay nasiib darro tahay dhallinyardo inaysan baran oo xooga saarrin inta badan  xirfadaha wadanka yaala.

Hay'adii fududaysay barnaamijkan NRC ayaa sheegtay hawshan in looga dan leeyahay dhallinta in shaqo abuur loo sameeyo.

Ardaydaan oo iusugu jiray wiilal iyo gabdho  ayaa codsaday inaan looga harrin inta la baray oo kali ah balse  laga sii taageero waxa ay soo barteen laguna maalgaliyo si shaqada ay barteen u ilaawin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM