18 ku dhimatay Qaraxyada magaalada Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Xaaladda magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa maanta kacsan kadib qaraxyo xooggan oo galinkii hore ka dhacay nawaaxiga dowaldda hoose iyo suuqa xero dayax.

Inta la hubo waxaa ku naf waayay weeraradaasi 18, halka dhaawaco ku dhow  yahay 40 qof.

Dadka dhintay waxaa ku jiray Askar iyo carruur kasoo baxay Iskuul ka agdhawaa goobta la weeraray.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadaasi.

Majirto ilaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Puntland.

Gurmadyo xooggan ayaa kasocda magaalada kuwaasoo lagu samata bixinayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaasi iyadoo cusbital Guud ee Galkacyo la geeyay dad qaba dhaawacyo kala duwan.

Sawirro laga soo qaaday goobihii weerarku ka dhacaya ayaa muujinaysa bur-bur laxaadleh.

Waa qaraxii ugu xogganaa oo ka dhaca magaalada Galkacyo, waxaana lagusoo beegay muddo kadib markii Puntland khasaaro xoog leh gaarsiisay mallayshiyaad soo duulay oo ka dagaallamay gobollada Mudug iyo Nugal, waxaana door weyn kulahaa haweenka Galkacyo oo muujiyay cudud ay ku taageereen ciidamada difaaca Puntland, waxaana xusid mudan waxyeellada ugu badan inay soo gaartey haween.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM