250 askari oo ka tirsan BIR-POL oo Bosaso soo gaarey

Image
Image

May 11, 2015 (GO)- Magaalada Bosaso waxaa soo gaarey ciidamo ka tirsan booliska birmadka kuwaasoo ka yimid magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Ciidankan oo tiradiisu gaareyso 250 askari, waxay saraakiisha laamaha ammaanku sheegeen inuu ka qayb qaadan doono sugidda ammaanka Bosaso oo todobaadyadii u dambeeyey soo xumaanayey.

Fariisin kumeel gaar ah oo cidankaasi ka sameysteen duleedka magaalada ayaa waxaa warbaahinta kula hadlay taliyaha guud ee booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf.

Wuxuuna sheegay in ciidamadan oo soo qaatey tababar socdey muddo lix bilood ah lagu xoojin doono booliskii horey gobolka u joogey qaybna ka qaadaan doonaan sugidda amniga.

Jaqanaf ayaa dadweynaha ugu baaqey inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka soona gudbiyaan xog kasta oo sahleysa xoojinta nabadgelyada iyo qab qabashada dadka amniga khal khalka gelin kara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM