Puntland: ​6 nin oo lagu qabtay shir madaxweyne Gaas ka qayb galay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO- Ciidamada amniga Puntland ayaa xasbiga u taxaabay 6 nin oo laga dhex qabtay shir madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo weheliyaan xubno katirsan labada gole ee dowladda iyo bulshada Galkacyo kulahaayeen xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo.

Dadka la qabtay ayaa la sheegay inay basaasiin u ahaayeen maamulka Galmudug iyadoo qaar kamid ah la sheegay inay yihiin xildhibaano.

Xubnaha ayaa la qabtay xilli nasasho yar galeen mas'uuliyiinta iyo shacabka Shirayay, waxaana lagu eedeeyay inay basaasayeen xogaha ay isweydaarsanayeen dowladda iyo bulshada degmada Galkacyo.

Shakhsiyaadkan,  ayaa loo qaaday xabsi ku yaalla magaalada Galkacyo halkaas oo su'aalo lagu weydiinayo.

Majirto ilaa hadda cid katirsan xukuumadda Puntland oo arrintaasi ka hadashay.

Qabashada raggan ayaa dhalisay doodo badan oo ku aadan sida ay kusoo galeen shirka, iyadoo kusoo aaday xilli amni xumo baahsan ay ka taagnayd muddooyinkii dambe magaalada Galkacyo.

Arrintan ayaa muujinaysa in laamaha ammaan ee ku xeeran madaxweyne Gaas iyo kan gobolka Mudug habacsanaan xooggan ka jirto, waxaana qabashadan timid waqti badan oo shirku socday kadib iyadoo lakala qaatay xogo badan.

Lama oga tallaabada laga qaadi doono maadama dadka la sheegayo inay kasocdaan dhinaca maamulka Galmudug oo ka taliya qayb kamid ah magaalada Galkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM