​6 qof lagu dilay qarax ka dhacay Galkacyo

Image

GAROWE- Qarax xoogan oo saaka ka dhacay magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa sababtay geerida lix ruux oo ku jiro xisaabiyihii wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobolkaas Siciid Cali Yuusuf Gaada-yare.

Weerarkan, waxaa gaystay naftiis hallige isku soo xiray walxaha qarxa oo beegsaday meherad ku taalla xaafadda Xero-daraawiish magalada Galkacyo gaar ahaan nawaaxiga Hotel Uun-laaye halkaasi oo ay ku sugnaayeen mas'uulka dhintay iyo dad shacab ah.

Falkan, waxaa durba sheegatay kooxda Shabaab oo shaacisay inuu bartilmaameedkoodu ahaa mas'uulka dhinta, waxaan afhayeen la hadlay Idaacadda Xarakadaasi oo lagu magacaabo Andulus.

Afhayeenkan oo la yiraahdo Sheekh Cabdcaziiz Abuu Muscab  ayaa xusay in qaraxa ay la heleen saraakiil katirsanaa maamulka Puntland oo bartilmaameed u ahaa.

Maamulka gobolka Mudug aya dhankooda ka hadlay falkaasi lagu waxyeeleeyay dad shacab iyo mas'uuliyiin isugu jira, waxaana gudoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug Axmed Muse Nuur-yare uu sheegay in qarax uu fuliyay shakhsi kasoo jeeda Koonfurta Somalia.

Wuxuu tilmaamay in weerarka ku dhinteen xisaabihii wasaaradda maaliyadda Puntland, labo kamid ah ilaaladiisa, labo carruur baallashle ah, wuxuuna intaasi raaciyay inay dhawac uu jiro waloow uusan sheegin tirada rasmiga ah.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan Puntland soo afmeertay dagaal ay la gashay kooxda Shabaab, kuwaasi oo loo gaystay xasuuq xooggan kadib markii ay isku dayeen inay soo galaan deegaanada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM