Dad ku dhaawacmey tuulada Jalam ee gobolka Nugaal {Dhageyso]

Image

23 September, 2015(GO)-Sagaal qof ayaa ku dhawacantay rasaasayn caawa ka dhacday tulada  Jalam oo hoos tagta degmada Burtinle.

Gudoomiyaha tuulada Jalam ee gobolka Nugal Cabdiwali Cali Geelle oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in falkaasi gaysteen Mallaysiyaad watay labo gaari oo kuwa raaxada ah.

Dhinaca kale saraakiisha ciidmaada oo la hadashey GO ayaa sheegeysa in dhaawaca gaarayo 18 qof halka hal qof dhintey.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysay arrinta Jalam, balse dadka deegaanka ayaa ku tuhmaya in falkani xiriir la leeyahay colaad ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sool oo sababtay dhimashada in ka badan 12 ruux oo xalay deegaanka Qorilay lagu weeraray.

Dad shacab oo ku dhaacawmay rasaasaynta Jalam ayaa loo qaaday magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo, halka shakhsiyaad ay soo gaareen dhaawacyo fudud ku suganyihiin tuulada.

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana la sheegay Mallayshiyaadka falka gaystay inay ku laabteen halkii ay ka yimaadeen.

Deegaano ka tirsan gobolka Sool, waxaa ka taagan colaad u dhaxaysa laba beelood in ka badan 10 sano.

Arrimaha dhacaya kama hadlin xukuumadda Puntland, waxaana la aaminsanyahay hadii aan hawshan si dag dag ah wax looga qaban inay sababi karto khasaaro kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM