​92 Tahriibayaal ah oo laga soo bad-baadiyay badda Cas

Image

BOSASO- Dekedda magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, waxaa xalay kusoo xiratay dooni siday 92 qof tahriibayaal u dhashay dalalka Somalia iyo Ethiopia kuwaas oo muddo shan cisho ah dul sabaynaya biyaha u dhaxeeya Somalia iyo Yemen.

Dadkan ayaa go'doomay kadib markii xumaatay doontii ay la socdeen.

Markab laga leeyahay dalalka ku bahoobay NATO ee biyaha Somalia u jooga inay ka ilaaliyaan burcad badeeda ayaa gacan u fidiyay muhaajiriintaasi.

85 ka mid ah tahriibayaashan ayaa kasoo jeeda dalka Ethiopia, halka 7 kale tahay Somalia, waxaana wararku sheegayaan in xaaladooda caafimaad wanaagsatahay marka laga reebo haweenay uur leh oo dadkaasi ka mid ahay, waxaana lag dabiibayaa cusbital ku yaalla magalada Bosaso.

Lama garanayo halka dadkan doontaasi ka qaatay, balse inta badan waxay ka baxaan xeebaha gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland iyadoo ay jiraan dadaallo looga hortagayo socdaalka sharci darrada ah.

Dhawr jeer oo hore, waxaa ciidamada amnigu gacanta ku dhigeen muhaajiriin doonayay inay ka baxaan biyaha xeebaha Puntland kuwaas oo ku sii jeeday dalka Yemen oo ay uga sii tallaabaan Sacuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM