​97 qof oo xabsiyada Puntland laga sii daayay

Image

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Maxamed Cali Gaas, ayaa cafis loogu fidiyay 97 qof oo ku xirnaa xabsiyada waaweyn ee Puntland sida uu sheegay taliyaha ciidamada Asluubta Cali Nuur Cumar.

Dadkan oo maanta xoriyadoodii dib u helay ayaa ku eedaysnaa dambiyo fudud, waxaana la cafiyay xilli ay soo dhawdahay ciidda bisha Ramadan.

"Waxaa maanta la sii daayay maxaabiis madaxweynuhu fasaxay... Xabiga Garowe waxaa laga sii dayay 24 qof, Bosaso 31, Galkacyo 13 iyo Qardho 29 macbuus,"Ayuu yiri taliyaha ciidamada Asluubta Puntland General Cali Nuur Cumar.

Cali Nuur ayaa mustaqbal wanaagsan u rajeeyay dadka maanta xorriyadooda helay isagoo sheegay inay loo cafiyay bisha Ramadan owgeed.

Maaha markii ugu horaysay cafis loo fidiyo maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland, waxaana inta badan la cafiyaa xilliyada lagu jiro ciidaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM