Aabihii xushay ragga u qisaasay xubnihii ku xadgudbay gabadhiisa

Image

BOOSAASO, Puntland – Ilyaas Aadan, aabaha dhalay Caasha, gabadhii kufsi wadareedka iyo dilka loogu geystay Gaalkacyo sanadkii hore, ayaa xaqiijiyey in uu isagu soo xushay raggii qisaasay "dambiileyaasha".

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa aroornimadii Talaada lagu toogtay fagaare ku yaala Boosaaso, magaalo madaxda ganacsiga dowladda Puntland.

Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo ay walaalo yihiin Cabdifitaax, ayaa fulintiisa waxaa dib loo dhigay muddo tobban cisho ah si xaqiijin loogu sameeyo xukunka lagu riday.

Fulinta xukunka kadib, aabe Ilyaas oo dareen farxadeed muujiyey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan qisaasta.

"Qoys ahaan annaga ayaa soo magacaabanay qisaasayaasha. Dowladda waxay nagu tiri soo xusha, xitaa waad iska dhaafi kartaa ciidamadda," ayuu u sheegay saxaafadda.

Wuxuu ku daray: "Kadib waxaan dirsaday wakiilo si ay qisaasta u fuliyaan. Anigana waa hubiyey in ay dhinteen. Dhuunta ayaan ka taabtay iyo meel walba oo nafta laga dareemi karay".

Xukunsanaha saddexaad ee la reebay ayuu ku tilmaamay "in uu dambiile ahaa" balse ay hubin ku sameyn doonan.

Gal-dacwadeedka Caasha Ilyaas oo carro xoogan keenay ayaa taariikh iyo maamuus u soo jiiday Soomaaliya maadaama uu noqdey kiiskii ugu horeeyay ee xukunkiisa lagu saleeyo baaritaan dhanka dheecaanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM