Aadan Gaadaale oo ka hadlay Dagaalka Galkacyo
GAROWE, Puntland- Shiikh Aadan Maxamed Ciise Gaadaale, ayaa si qoto dheer uga hadlay colaadda ka taagan gobolka Mudug iyo muhiimadda ay leedahay nabaddu, wuxuuna wax-magarato ku tilmaamay dadka isku laynaya magaalada Galkacyo isagoo u diray baaq nabadeed.
Gaadaale, ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dadka isku diinta, dhaqanka, dubka iyo dalkaba ah ee maalin walba micno darro ku quba dhiigga ruux kale oo intaasba la wadaaga, wuxuuna soo jeediyay in si shuruud la'aan ah loo joojiyo dirirtaas oo laga wada shaqeeyo xal waara oo gobolka ka hirgala.
Wuxuu soo jeediyay in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo talo ahaan uu sheegay in laga dhigay 21 qof kuwaasoo ka imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada oo Culimaa'uddiinku ugu horreeyaan.
"a. Xabbad joojin deg deg ah oo aan wax shuruud ah ku xirrayn
b. Shir dib u heshiisiin ah oo lagu qabto Gaalkacyo, laguna xalliyo wixii dhibaato soo jireen ahaa ama ugub ah oo dadka walaalaha ah dhex yaalla
c. Magacaabid guddi ka kooban qaybaha bulshada ahna 21 qof oo leh laba shardi; Waa in lagu yaqaan nabad ka talis iyo dad heshiisiin iyo hortigadda dhibaatada, Waa in ay yihiin dad bulshada magac wanaagsan sida;
1. Culumaa-uddiinka
2. Isimada
3. Dad matalaaya dawlad goboleedyada is haya
4. Ganacsato
5. Dadka ugu horreeya ee had iyo jeer dagaalladu wax yeelleeyaan sida haweenka iyo dhallinyarada iwm
6. Abwaanno tiraya gabayo iyo heeso nabadeed
7. Qurbajoogta dad matalaaya
d. Diyaarinta dhaqaale joogto ah oo nabad ka shaqaynta loogu tala galay ayna bixiyaan dawlad goboleedyadu
e. In saxaafaddu iyo warbaahiyayaalka oo dhammi ay masuul ka yihiin ka fogaanshaha wixii isku dhac keenaya isla markaasna ay faafiyaan wixii ummadda isu soo dhoweynaaya nabaddana kobcinaaya.
f. In dawladda federaalku samayso guddi madax bannaan oo joogto ah oo shaqadoodu tahay in ay wixii dagaal iyo fitno ka dhex dhalin kara dawlad goboleedyada iyo dhammaan dad weynaha Soomaaliyeed ka hortagaan, wixii isku dhacana ay nabad iyo heshiis dhexdhigaan. Guddigaasna waa in loo sameeyaa dhaqaale sugan iyo sifo sharci ah
g. In dawladuhu ay joojiyaan dadka magacooda ku hadlaaya oo sheegaya warar keenaya isku dhac nabaddiina fogeynaaya".
Dadka dagaal oogayaasha ah ee kasoo kala jeeda labada dhinaca ee Puntland iyo Galmudug, ayuu codsaday in gacanta lagu dhigo, isagoo saxaafadda ka codsaday inay faafiyaan wararka wanaagsan ee aan kicinayn colaadda, balse dawo u noqonay boogta taalla magaalada Galkacyo.
Labada dhinaca ee dagaallamaya ayuu sheegay inay yihiin hilbo wada dhashay, isagoo naftiisa tusaale usoo qaatay, wuxuuna yiri,"Dagaalka Galkacyo waxa uu la macno yahay Wiil dila hooyadiis, tusaale ahaan hooyaday waxa lagu tirinayaa dhinaca Galmudug, aniga Puntland, marka macnaheedu soo maaha hooyadaa soo dil".
Siyaasi Gaadaale oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa intaas ku daray in dagaalka kasocda magaalada Galkacyo uu yahay mid ay hurinayaan dad shisheeye ah oo aan doonayn maslaxaadda iyo midnimada umadda Somaliyeed, isagoo ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo horseed ka noqon kara hasiloonida darrada gobolka Mudug.
Mudane Gaadaale, ayaa sidoo kale ka digay in xalka Galkacyo loo raro meel kale gaar ahaan in shirar dib u hishiisiin lagu qabto meel ka baxsan magaalada Galkacyo, isagoo yiri,"Waxaa ka digayaa in xalka colaadda Galkacyo meel kale lala aado oo la geeyo deegaamo ay daganyihiin dad aanan isku af iyo diinba ahayn, balse waa in xalka lagu gaaraa Galkacyo oo kulanka madaxdu noqdaan mid mira dhala".
Wuxuu sidoo kale sheegay in diinteenna suuban ee Islaamku ogolayn daadinta dhiigga qof Muslim ah.
Ugu dambayntii Gaadaale, ayaa tiriyay gabay uu uga hadlayay dhibaatada ka socota magaalada Galkacyo islamarkaana bulshada ku boorinayay inay iska qabtaan ruux kasta oo dagaal ooge ah, ha ahaado waayeel, duub dhaqameed ama siyaasi intaba.
Hadalkan, ayaa kusoo beegmaya iyadoo la filayo in maalinta Barri ah la isugu tago magaalada Galkacyo islamarkaana laga wada hadlo khilaafka dhexyaalla labada dhinac si loo gaaro xal nabadeed oo Galkacyo ka hir-gala.
GAROWEONLINE