Abaar laga soo sheegayo deegaanno hoos taga Baargaal [DHEGEYSO]

Image

July 14, 2015 (GO)- Deegaano hoostaga degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa laga soo sheegayaa abaaro baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada.

Jawaahir Ow-muuse Maxamed oo ka tirsan xildhibaannada Golaha Deegaanka Baargaal oo la hadashay Radio Garowe ayaa sheegtay in tuulooyinka Qoroxaad, Conqoro, Nuudiya iyo deegaano kale ay ka jiraan abaaro iyo biyo yaraan saamaysay nolosha dadka.

Jawaahir ayaa xustay in  qiimaha fuusatada biyaha ahi halkaas ka marayo labo boqol oo kun oo Shilinka Soomaaliga , iyadoo intaas raacisay inay jiraan dad aan awood u lahayn inay gataan biyaha qaaliyoobay .

Ugu dambeyntii waxay dawlada ugu baaqday inay gacan u fidiso dadka ay abaartu lasoo deristey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM