Abaartii Puntland ka jirtay oo hoos u dhacday

Image

GAROWE- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa shaacisay inay hoos u dhacday abaartii baahsanayd ee ka taagnayd gobolka maamulka, waxayse tilmaameen inay jiraan goobo kale oo biyo dhaamis ka jiraan.

Mas'uuliyiinta ugu saraysa wasaradda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in deegaanada Puntland badankooda ka da'een roobab xooggan islamarkaana dadku isugu jiraan kuwa raxmaddii alle helay iyo qaar u guuray.

Boqolkiiba afartan ayay xuseen in xaaladdu isbadashay, balse dadku u baahanyihiin in la caawiyo maadama qoysas badan hantidoodii ku waayeen abaarihiin dalka Somalia ka jiray.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo la hadlay GO, ayaa xusay in xaaladdu haatan wanaagsantahay islamarkaana ALLE uga xamdi naqayaan nimcada uu siiyay dadkii la daalaa dhacayay dhibaatadii baahsanayd.

Xaalad ayaa mudooyinkii dambe lagu jiray, waxaase todobaadkan si wanaagsan gobollada Puntland uga hooray roobkii gu'ga iyadoo gobolka Sanaag oo xaaladdu ugu darnayn roobab fiican xalay ka da'een.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM