Abaartii Puntland ka jirtay oo hoos u dhacday

Image

GAROWE- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa shaacisay inay hoos u dhacday abaartii baahsanayd ee ka taagnayd gobolka maamulka, waxayse tilmaameen inay jiraan goobo kale oo biyo dhaamis ka jiraan.

Mas'uuliyiinta ugu saraysa wasaradda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in deegaanada Puntland badankooda ka da'een roobab xooggan islamarkaana dadku isugu jiraan kuwa raxmaddii alle helay iyo qaar u guuray.

Boqolkiiba afartan ayay xuseen in xaaladdu isbadashay, balse dadku u baahanyihiin in la caawiyo maadama qoysas badan hantidoodii ku waayeen abaarihiin dalka Somalia ka jiray.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo la hadlay GO, ayaa xusay in xaaladdu haatan wanaagsantahay islamarkaana ALLE uga xamdi naqayaan nimcada uu siiyay dadkii la daalaa dhacayay dhibaatadii baahsanayd.

Xaalad ayaa mudooyinkii dambe lagu jiray, waxaase todobaadkan si wanaagsan gobollada Puntland uga hooray roobkii gu'ga iyadoo gobolka Sanaag oo xaaladdu ugu darnayn roobab fiican xalay ka da'een.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM