Abwaan oo ka hor yimid Maxkamada Sare

Image

GAROWE, Soomaaliya - Maxkamada sare ee dowlada Puntland ayaa maanta soo saartay go'aan ay shaqada uga joojisay, Faadumo Siciid Axmed oo dhawaan ay Ansixiyeen golaha wakiiladu si ay uga mid noqoto guddiga Doorashooyinka Puntland ee aan la isku raacin nooca doorasho ee uu qabanayo iyo wakhtigeeda.

Go'aanka Maxkamada Sare ayaa yimid maalin kadib markii Qareenada u kala doodayay Madasha Siyaasadda Puntland, sideedi Xildhibaan ee Gud Abwaan golaha ka eryay iyo Ururka Horseed ay sheegeen in Maxkamadu ka bayrtay dhabbihii laga filayay.

Xubintaan oo la sheegay inay kasocoto ururka shaqaalaha ayaa si degdeg ah lagu magacaaby laguna daray xubnaha Guddiga lagu muransanyahay ee PEC.

Gudoomiyaha golaha wakiilada ee Puntland, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa qoraal uu goordhawayd soo saaray ku qaadacay go'aanka Maxkamada Sare.

Abwaan oo ay tahay markii ugu horaysay ee xubin ka noqdo golaha wakiilada Puntland ayaa falanqeeyayaashu tilmaamayaan in uu ka walaacsan yahay in aan mar labaad uusan xilkaasi qaban doonin.

Musharaxiin durba soo baxay!

Dhanka kale waxaa soo baxay xubno ku saami qaybsi ah gud, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil kuwaasi oo loolan ugu jira sidii ay usoo heli lahaayeen xubinta beeshiisu ku leedahay golaha wakiilada.

Murashaxiinta ayaa kulamo ka wada degmooyinka gobalka Sanaag gaar ahaan magaalada Badhan, iyaga oo isku dayaya qancinta dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM