Afar askari oo ku geeriyoodey shil ka dhacay duleedka Garowe

Image

July 17, 2015 (GO)- Afar askari ayaa ku geeriyoodey saddex kalena way ku dhaawacmen shil gaari oo galabta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Tuko-raq iyo magaalada Garowe.

Agaasimaha Isbitaalka Garowe Dr. Cabdisamed Axmed Jaamac ayaa Radio Garowe u sheegay in askarta dhaawca ah xaaladoodu fududahay islamarkaana qaarkood lagu sameyey qalliin.

Gaariga shilka galay wuxuu ahaa nooca ciidamadu adeegsadaan ee Soomaalidu taqaan Cabdi-Bilaha.

Waa shilkii saddexaad ee noocan ah oo muddo bil gudaheed  ah ka dhaca nawaaxiga magaalada Garowe.

June 21, 2015 ayey ahayd markii toban askari oo ka tirsanaa Daraawiishta Puntland ku geeriyoodeen shil-gaari oo ka dhacay isla deegaanka Tukaraq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM