Afhayeenka Barlamanka PL oo ka hadlay dilkii Xildhibaan Cagoole

Image

May 9, 2015 (GO)- Afhayeenka Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa cambaareeyay dilkii Gaalkacyo xalay fiidkii loogu gaystay Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur (Cagoole)

Waxa uu sheegay inuu ahaa Marxuumka, mudane ku weyn Baarlamaanka ayna ka xun yihiin dilkiisa, wuxuna tacsi u diray ehelkii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inuu ka baxay.

Laamaha ammaanka ayuu ugu baaqay inay baaritaan ku sameeyaan dilka Xildhibaan Siciid Nuur oo maanta lagu aasay magalada Gaalkacyo.

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa saaka Gaalkacyo u aaday ka qayb galka Aaska qaran ee marxuumka loo sameeyay.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay masuuliyadda dilka Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur.

Dilka Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur ayaa kusoo aadaya xilli madaxwayne ku xigeenka Puntland uu ku sugan yahay magalada Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM