AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Image

BOOSAASO, Soomaaliya – Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay inay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Puntland, iyagoo bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish (Islamic State).

Sida ku cad qoraal ay AFRICOM soo saartay, duqeyntan ayaa ka dhacday aag buuraley ah oo qiyaastii 30 mayl (48 kiiloomitir) dhanka koonfur-bari ka xigta magaalada xarunta ganacsiga ah ee Boosaaso, ee gobolka Bari. AFRICOM waxay sheegtay in howlgalkan uu dhacay April 17-keedii, wuxuuna qeyb ka yahay sii xoogeysiga howlgallada cirka ee Maraykanka uu ka wado gudaha Soomaaliya.

AFRICOM ma aysan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta, oo ay ku jiraan tirada dhimashada ama dhaawaca, iyo sidoo kale qiimeynta burburka goobta. Tallaabadan ayaa waafaqsan siyaasad ay sanadkii la soo dhaafay meel mariyeen oo xaddideysa shaacinta xogtaas, sababo la xiriira ilaalinta sirta howlgallada.

Dowladda Maraykanka ayaa si joogto ah u fulisa duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Daacish iyo Al-Shabaab, si ay u taageerto dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dadaalladooda lagula dagaallamayo kooxahan.

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya, halkaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM