Agaasimaha Waaxda maamulka Wasarada Qorsheynta Puntland oo la xirey

Image

Dec 24, 2014 [GO]- Ciidamada amaanka gobolka Nugaal ayaa maanta xiray Agaasime Waaxda maamulka ee Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Caduur Aadan Caduur.

Xariga Agaasimaha Waaxda maamulka Wasaradda Qorsheynta ayaa yimid kadib markii uu ka qayb galay  banaanbax ka dhacay bartamaha magaladda Garowe kaasoo ku saabsanaa cabasho la xiriidha mushahar la’aan  yo Imtiixaanaad laga qaadayo shaqalaha dowladda.

Agaasimahan ayaa lagu xiray saldhiga ku yaala Kontroolka Koonfureed ee magaalada Garoowe ayaa u waramay Radio Garoowe waxaana uu sheegay inuu aad oga xun yahay xariga lagula kacay isgoo mas'uul dawladeed ah xasaanad-na leh.

Caduur ayaa sheegay inay ka cabanayaan mushahar la’aan iyo maamul xumo Agaasimaha guud ee wasaradda Qorsheynta ku hayo shaqaalaha Wasaarada ilaa laga soo bilaabo magacaabistiisii.

Docda kale waxa uu sheegay inuusan cadaalad ahayn imtixaanka ay qaadayso Jaamacadda Bariga Africa iyadoo markii hore qaab qabiil loo qaybsadey xilalka Agaasimayaasha sidaasoo madaxda sare ee dalkana ku timid.

Mamulka Gobolka iyo laamaha Amniga Nugaal wali kama hadlin xariga loo gaystay Agaasimahan.

Dhinaca kale Wasiirka shaqada shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed  oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inuu warka mudaharaadka yahay war aan waxba ka  jirin oo danno gaar ah laga leeyahay sida uu hadalka u dhigay, ayna dhigeen dad shaqaalaha dawlada ka mid ah oo Agaasimayaal hogaaminayaan kuwaasoo uu ku tilmaamay inay ahaayeen banaanbaxayaal tiro yar.

Dowlada Puntland ayaa magacowdey guddi ka shaqeeya Imtixaan qaadista shaqaalaha Rayidka kuwaasoo madax looga dhigey Maxamad Farax Ciise Gashaan kuwaasoo dadka intiisa badan u arkaan arrin lagu degdegey. Halkan ka dhageyso wareysi Gaashaan la yeeshey RG

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM