Agaasimaha Wasaaradda Haweenka Puntland oo Garowe lagu xirey

Image

May 23, 2015 (GO)- Muddo kooban waxaa maanta saldhigga booliska ee Garowe lagu xirey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Puntland Muno Daahir Dalmar.

Xarigga agaasimaha aya yimid kadib markii khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo Wasiiradda Wasaaradda Haweenka Aniso Cabdiqaadir Muumin.

Khilaafkan ayaa soo jiitamayey todobaadyadii u dambeeyey, wuxuuna sii xoogeystey kadib markii Wasiiraddu sheegtay inay xilka ka xayuubisey agaasimaha.

Muno Daahir aya markii lasoo daayey waxaa loo gudbiyey dhanka madaxtooyada, halkaasoo ay kula kulantey madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cumar Camey.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo  khilaafkaan inuu xaliyo laga sugayey ayaa sababey in curyaamiyo howlihii wasaarada haweenka 

Xarigga Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli isla maanta ciidamada booliska ee Garowe xabsiga dhigeen agaasimihii iyo tifatirihii Radio Daljir Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM