Agaasimihii iyo tifatirihii Daljir Garowe oo xabsiga loo taxaabay

Image

May 23, 2015 (GO)- Booliska degmada Garowe ayaa xabsiga u taxaabey agaasimihii idaacadda Daljir qaybteeda Garowe iyo weliba tifatirihii Daljir Garowe.

Agaasime Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi) iyo Tifatire Jamaal Faarax Aadan aya xilligan ku xiran saldhigga booliska kantaroolka koonfureed ee Garowe.

Ilaa iyo hadda dowalddu kama hadlin sababta, balse qaar kamid ah hawl-wadeenada Daljir ayaa Garowe Online u sheegay in xarigoodu salka ku hayo barnaamij dood ah oo xalay ka baxay idaacadda. 

HALKAN KA DHEGEYSO BARNAAMIJKA

Barnaamijkaas oo ay marti ku ahaayeen gudoomiyihii ugu horreeyey baarlammaanka Puntland Yuusuf Xaaji Siciid iyo Aqoonyahan Siciid Nuur Geedi, waxaa diiradda lagu saaray ammaan xumada ka jirta Puntland, hoos u dhaca dhaqaalaha iyo weliba ballan qaadyadii xukuumadda Madaxweyne Gaas sameysey oo ilaa iyo hadda wax badani ka hirgelin.

Xubno laga casumey dhanka dowladda oo qorshuhu ahaa inay barnaamijkaas ka qayb qaataan ayaa ka cudur daartey.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM