​Agaasimihii Madaxtooyada Bosaso oo la dilay

Image

BOSASO, Puntland- Koox hubaysan ayaa galabta kahor saaladdii Maqrib kahor magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari ku dishay Agaasimihii Madaxtooyada magaalada Ganacsiga Puntland Aadane Gaas Huruuse.

Goob joogayaal la hadlay GO, ayaa sheegay in dhowr xabadood madaxa looga dhuftay Agaasimaha isagoo ku suganaa waqtigaas hotel Huruuse oo ku yaalla bartamaha magaalada Bosaso.

Kooxdii dilka gaysatay oo ilaa hadda aan haybtooda la aqoon ayaa goobta ka baxsatay iyadoo aan la garayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Aaden, ayaa in kabadan 10 sano maamule ka ahaa xarunta madaxtooyada magaalada Bosaso, wuxuuna ahaa nin da'a ah oo aad looga yaqaanay xarunta gobolka Bari.

Lama oga sababta loo dilay iyadoo ilaa hadda aysan jirin koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay Agaasimaha.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta yimid iyagoo baaritaano ka sameeyay nawaaxiga hotelka.

Dhacadadan, ayaa timid wax ka yar todobaad markii magaaladaasi lagu toogtay maalin cad taliye ku-xigeenkii Saddexaad ciidamada Booliiska Puntland, Jaamac Saxardiid oo markii dambe u dhintay dhawac kasoo gaaray xabado ay la dhaceen koox ku hubaysnaa bastoolado.

Majirto dilkaas ilaa hadda cid loo soo qabtay, balse furitaankii kalfadhiga golaha deegaanka Bosaso, waxaa guddoomiyaha gobolka Bari Dhedo, uu kasheegay inay howlgallo ciidamadu sameeyeen kusoo qabteen in kabadan 120 ruux.

Amniga magaalada Bosaso, ayaa faraha ka baxay muddooyinkii dambe xilli ciidamada difaacu howlgallo ka wadaan gobolka Bari, gaar ahaan deegaano ay ku suganyihiin koox sheegatay inay xiriir la leeyihiin Daacish.

Horay waxaa sidoo kale buuraha gobolka ugu sugnaa kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM