Akhri: Barlamanka Puntland oo ansaxiyey ajendaha kafadhiga 36aad

Image

3 Nov,2015 (GO)- Kulan albaabadu u xiran yahay oo maalmahaan uga socdey Barlamanka Puntland magaalo madaxda Garowe ayaa waxaa qoraal soo gaarey warsidaha Garowe Online sheegayaa in lagu ansaxiyey qodobada looga hadlayo kalfadhigaan.

Barlamanka Puntland ayaa dib ugu noqdey ajendahiii uu soo gudbiyey gudoomiyihii xilka laga qaadey iyadoo wararku sheegayaan in laga saarey labo qodob oo kala ah; daabacada lacagta iyo dib u eegista xiriirka u dhexeeya dowlada Federaalka ah iyo Puntland.

"Qodobadaan ayaa waxaa ka muuqdo kuwa muhiim ah kuwasoo xoojinaya la xisaabtanka xukuumada, in la dhiso maxakmada Dastuuriga ah iyo qodobo kale." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland.

Ajendaha Barlamanka ayaa waxaa ka mid ah sidoo kale doorashada gudoomiyaha aqalka wakiilada Puntland iyadoo maanta xildhibaanada doorteen guddiga diyaarin lahaa doorashadaas.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM