Akhriso: Gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo laga gudbiyey mooshin xilka looga qaadayo

Image

28 October, 2015 (GO)- Xildhibaano kor u dhaafaya 40 ayaa saxiixey mooshin ay ku dalbanayaan in xilka laga qaado guddoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire.

Mooshinkaan oo loo gudbiyey guddoomiye ku-xigeenka Barlalamanka ayaa waxaa la filayaa in ka doodistiisa iyo cod u qaadistiisa maanta u gudbaan xildhibaanada Barlamanka Puntland.

Talabadaan ayaa ku soo beegmeysa labo maalmood kadib markii uu furmey kalfadhiga 36aad ee Barlamanka Puntland kaasoo uu hareeyey muran ku saleysan waxqabad la'aanta xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalintii labaad ee kalfadhiga Barlamanka 26 October,2015 waxaa su'aalo adag ku waydiiyey xildhibaano kuwasoo wax ka hadley lacago faalso ah oo xukuumadiisa daabacdey, mushahar la'aanta jirta, jariifka lagu hayo xeebaha iyo arrimo fara badan.

Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa eedymahaas intooda badan beeniyey iyadoo xildhbaanada intooda badan ku eedeeyeen guddoomiyaha Barlamanka inuu difaacey madaxweynaha Puntland.

Guddoomiyaha barlamanka ayaa xildhibaano farabadan u geeyey madaxweynaha Puntland habeenimadii ka horeysay su'aalaha iyadoo la rumeysan yahay in lagu qancinayey xubnahaas iney khafiifiyaan eedeymaha loo jeedanayo Mudane Gaas.

Dhinaca kale wararka kasoo baxaya mooshinkaan ayaa sheegaya iney dabada ka riixayaan oo ay ku mideysan yihiin xildhibanaada mucaaradka ku aha xukuumada madaxweynaha Puntland iyo kuwa daacada u ah Mudane. Gaas.

Shacabka Puntland ayaa aaminsan in gudoonka barlamanka ee iminka jira yahay,id uu hareeyey musuqmaasuq farabadan iyagoo gacansaar la yeeshey madaxweyne Cabdiweli Gaas kuwasoo ka fushada danahooda u gaar ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM