AKHRISO: War-Murtiyeed ka kooban 15 Qodob oo kasoo baxay Shirkii Garoowe

Image

GAROWE, Puntland - Shirkii Madaxda afarta maamul uga socday maalmihii lasoo dhaafay magaalada Garoowe ayaa maanta oo Khamiis ah lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saarey war-murtiyeed ka kooban 15 qodob, oo arrimaha dalka ku saabsan.

AMNIGA: Qodobada ugu waaweyn war-murtiyeedka ayaa waxaa kamid ah arrimaha amniga, oo ay sheegeen hogaamiye-yaasha inay sameysan doonaan qorshe u gaar ah oo mas'uuliyadda fulintiisa iyo maal-gelintiisa ay leeyihiin dowlad-goboleedyada dalka.

Waxay ku heshiiyeen inay dhistaan Gollaha Amniga dowlad-goboleedyada [Inter-state security council] iyo in la isku dhafo ciidamada Daraawiishta maamulladan, kadibna loo sameeyo hogaan guud, iyadoo maamul kasta laga doonayo 1,000 askari.

SIYAASADDA: Waxay ku dhawaaqeen madaxd Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland xisbi siyaasadeed lagu magacaabo XISBIGA HORUSOCOD QARAN [National progressive party], oo gudoomiye si KMG ah loogu doortey Cabdiweli Gaas inta laga gaarayo shir weynaha xisbiga.

Lama oga waxa uu Xisbigan kusoo kordhin doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, balse waxa uu u muuqdaa mid hogaamiyaashan ay ku doonayaan inay ugu loolamaan doorashada 2020, maadaama mudo-xileedkooda maamullada ay dhamaanayso.

Golluhu wuxuu cambaareeyay faragelinta Villa Somalia ay ku heyso arrimaha doorashada Koonfur Galbeed, oo ay sheegeen inay nasiib darro tahay in iyadoo mushaar loo la'yahay ciidamada malaayiin dollar oo hantida shacabka lagu bixiyo ololaha musharaxiin gaar ah oo dowladda wadato oo iyagoo wata gaadiidka aan xabadu karin la geeyo Baydhabo.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, Afhayeenka Gollaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada ayaa warbaahinta u akhriyay War-murtiyeedka laga soo saarey shirkii Garoowe.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM