Al-Shabaab iyo Daacish oo bishan Puntland looga dilay 27 xubnood

Image

GAROWE, Puntland – Milatariga Mareykanka ayaa sare u qaadey duqeymaha ka dhanka ah maleyshiyaadka Daacish iyo Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Golis, gobolka Bari, ee Puntland.

Lix howlgal oo kooxahaasi ka dhan ah ayaa kaliya bishaan ka dhacay aagaasi, waxaaa looga khaarijiyey ku dhowaad 30 dagaalameyaal, sidda ku cad tirakoobka warbixinimada guud ee taliska AFRICOM.


8-dii May 2019: Tobban iyo saddex [13] kamid ahaa maleyshiyaadka Daacishta Soomaaliya ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah.

9-kii May 2019: Afar ka tirsanaa Daacishta Soomaaliya ayaa lagu khaarijiyey howlgalka dhanka cirka ah lala beegsaday.

22-da May 2019: Laba xubnood ayaa Daacishta Soomaaliya looga naf-gooyey duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

22-da May 2019: Laba dagaalame oo ka tirsanaa maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah.

24-ka May 2019: Duqeyn dhanka cirka ah waxaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab.

26-ka May 2019: Milatariga Mareykanka ayaa shaaciyey in duqeyn uu labada kooxood la beegsaday uu ku dilay saddex xubnood.


Illaa iyo haatan lama soo warin waxyeelo rayid kasoo gaaray duqeymaha Mareykanka ka fuliyo gobolada Puntland taasi oo ka dhigan in xogaha sirdoon ee hay’adda dowladu yihiin kuwa aad loo hubiyey.

Sare u kac ku yimid gulufka Mareykanka ee ka dhanka ah xoogagaasi ayaa ka dambeysay markii madaxweyne Donald Trump uu amray ciidamada wadanka kaga sugan in ay dardargeliyaan howlgaladooda.

Washington ayaa qabsatay muddo todoba sano ah oo ay kusoo afjari doonto dagaalka in ka badan tobban sano ka socda ee ay uga soo horjeedaan Jihaad-aloosyaasha dalkan Geeska Afrika dhaca ka howlgala.

Mareykanka ayaa haatan la qayb ka ah olalah ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya muddo ka badan tobban sano, waxaana wali muuqata in aanan wali gaarin horumar weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM