Al-Shabaab oo degaan "qabsatay kana qafaalatay" 7 ruux

Image

GAROWE, Puntland – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in gabal-dhicii shalay oo Jimco ahayd ay la wareegeen gacan-ku-haynta degaanka Milxo ee gobolka Sanaag Bari ee Puntland.

Yuusuf Jaamac Dibid, gudoomiyaha degmada Laasqoray oo u waramay VOA-da, ayaa shaaca ka dhigay in qabsashada Al-Shabaab ee degaanka ay timid ka gedaal markii ay ka baxeen ciidanka amniga.

"Illaa haddana waxaa la sheegayaa in ay wali joogaan degaanka," ayuu yiri Yuusuf oo intaas ku daray in xoogaga hubeysan ay maxaabiis ahaan u wateen todoba qof oo kamid ah ganacsatadda Dahabka.

Ma cadda sababta ay u wateen todobaas ruux iyo halka ay la aadeen. Dadka degaanka waxay soo warinayaan in Al-Shabaab ay ku amartay in ay ka bixi karin tuuladda sameyn karinna xiriir telefoon.

"Markii la bilaabay in Dahab laga qodo, degaanka Milxo waxaa yimaadey dad badan. Hadda waxaan qiyaaseynaa in ay ku nool yihiin kun hadiiba aysan kun iyo shan boqol ahayn," ayuu tibaaxayYuusuf.

Inkasta oo cadaadis xoogan ay kala kulmaan ciidamadda difaaca Puntland, dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda ah halkaasoo gabaad ka dhigtaan.

Xilli ay siisay mudnaanta koowaad, dowladda Puntland ayaa waxay xoojisay howlgaladda ay ciidanka ka fulinayaan magaalooyinka si loo xaqiijiyo ammaanka looga hortago falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM