​Al-Shabaab oo qabsatay degmada Garacad gobolka Mudug

Image

Mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab ayaa galinkii dambe maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Garacad oo qiyaastii 260KM u jirta xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha gobolkaasi Xasan Khaliif.

Kooxdan ayaa ku safraysay doonyo, waxayna si nabadgalyo ah ula wareegeen gacan ku haynta degmadaasi, iyadoo la sheegay inay doonyahan ay wateen kasoo kaxaysteen dad rayid ah galinkii hore maanta.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Xasan Khaliif oo Radio Garowe la hadlay, ayaa sheegay in degmada gacanta ku hayaan kooxda Shabaab isagoo meesha ka saaray inay jiraan wax iska hor imaad ah oo dhexmaray maamulka degmada iyo kooxdaas.

Wuxuu tilmamay inaysan jirin cid dhibaato ilaa hadda loo gaystay, isagoo xusay in xaaladdu dagantahay marka laga yimaado gacan ku haynta magaaladaasi.

Xasan ayaa cadeeyay inaysan jirin ilaa hadda wax tallaabo ah oo maamulka gobolka Mudug qaadeen.

Warar madax banaan oo aan helnay ayaa sheegay in ku dhawaad 100 mallayshiyaad hubaysan ay taageen degmada iyagoo la socday ilaa shan dooyood.

Arrintan, ayaa timi xilli horay dagaalyahanno ururkaasi katirsan ku sugnaayeen gobolka Bari gaar ahaan buuralayda Galgala, waxayna kusoo beegmaysaa xilli Koonfurta Somalia loogu gaystay weeraro kala duwan oo Maraykanku ku jiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM