Al-Shabaab oo shaacisay in ajnabi uu fuliyey is-qarxintii Janaa Cabdalle

Image
Showkaani oo kasoo jeeda beesha Hutu ayaa waxa uu dhashay sanadka markii uu ahaa 1992-dii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa shaaca ka dhigay in nin ajnabi ah una dhashay Burundi uu fuliyey weerarkii is-miidaaminta ku bilowdey ee ka dhacay degaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa baahisay in magaca naftii-haligahan uu yahay Dnayizeye Isxaaq Khaalid isla markaana kooxda looga dhex-yaqinay Showkaani.

Sidda ku xusan warbixinta warbaahinta Al-Shababa, Showkaani oo kasoo jeeda beesha Hutu ayaa waxa uu dhashay sanadka markii uu ahaa 1992-dii, oo ah sanad kahor dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

"Showkaani waxa uu Soomaaliya imaadey todoba sano," ayaa lagu yiri warbaahinta Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay usoo wareegtay baraha bulshadda kadib markii website-kooda ay xirtey dowladda Soomaaliya.

Tobanaan askari ayaa ku naf-weyday weerarkii Janaa Cabdalle oo dhacay 7-dii bishan March, 2023. Jubaland waxay xaqijisay in weerarkaas looga gubay ama looga qaatay gaadiid ciidan wallow ay hoos-u-dhigtey tirada Al-Shabaab sheegatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM