​Al-Shabaab oo sheegatay weerar ka dhacay Bosaso

Image

BOSASO- Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar xalay ka dhacay degmada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, kaasi oo lagu dilay mid ka mid ah ciidamada ammaanka gaar ahaan ilaalada Gudoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha Beriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige.

Shabaab ayaa weerarkan mas'uuliyaddiisa ka sheegay Idaacadda afkooda ku hadasha ee loo yaqaano Andulus.

Weerarkan oo ka dhacay Isgoyska Afar irdoodka ee laamiga dheer dhex mara magaalada Bosaso iyadoo ay fuliyeen kooxo hubaysan, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay labo ruux oo midkood shacab yahay, halka kale uu ahaa ilaalada mas'uulkaasi.

Dhacdadan ayaa timi xilli ciidamadu ku jireen howlgal iyagoo ku sugnaa bar-kantarool.

Ilaa hadda arrinta kama hadlin dowladda Puntland, waxaase laamaha ammaan noo xaqiijiyeen inay wadaan baaritoon la xiriirta kooxda falkan gaysatay iyo qaabka u fuliyeen.

Maaha markii ugu horaysay koox katirsan Shabaab weerar ka gaystaan magalada Bosaso, balse waxay kusoo beegmeen xilli dagaal uu kasocda deegaanada xeebaha dhacay ee gobollada Nugal iyo Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM