Al Shabaab: Weerar ayaan ku qaadnay Ciidanka Puntland ee Galgala

Image

BOOSAASO, Puntland - Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay in weerar madaafiic ah ku qaadey saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin Buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Afhayeenka Al Shabaab ee dhanka howlgalladda Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in ugu yaraan 10 madfac ay ku tuureen saldhigga ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku yaalla Afaafka hore ee Galgala.

Abu Muscab ayaa intaasi ku daray in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ay sababtay madaafiicda, inkastoo uusan sheegin tirada rasmiga ah ee Askarta wax ku noqotay weerarka.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay kordhisay weerarada iyo dilalka ay ka fuliso gobolka Bari tan iyo markii uu billowday sanadkan 2018.

Waxay Kooxda sheegatay dilal qorsheysan oo maalmihii Jimcihii iyo Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Boosaaso.

Saraakiisha dowladda Puntland wali kama aysan hadlin dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka, oo qeybo kamid ah ay kusoo xoogaysanayaan Kooxaha mintidiinta Al Shabaab iyo Daacish.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, Al Shabaab ayaa weeraradii ugu khasaaraha badnaa ka fulisay Puntland, kuwaasi oo uu kamid ahaa midkii lagu qaadey saldhiga ciidamada Af-Urur bishii June, kaasi oo lagu dilay Askar badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM