Aloore: ''Garoonka ciidamada Puntland ayaa difaacaya''

Image

Sept 28, 2014 (GO)- Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inaysan wax cabsi ah ka qabin weeraro dhanka Galmudug uga yimaada.

Xasan Cismaan ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin is hortaag lagu sameeyey diyaarad waday Qaybdiid oo kasoo degi lahayd garoonka Cabdilaahi Yuusuf, isagoo intaas raaciyey dadku inay u siman yihiin garoonka Gaalkacyo balse Puntland aysan ogolaan doonin in garoon kale laga bar bar sameeyo kii horay u jiray.

" cabsi kama qabno Cabdi Qaydbiid inuu nasoo weeraro, Puntland way isku fulin tahay Cabdi Qaybdiidna waa la yaqaanaa,  balse waagii dagaal nooga yimaado taariikhdu way qormaysaa Puntladnna way is difinaacaysaa dhulkeeda'' Aloore ayaa yiri.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdiid ayaa horay u sheegay inasan xaq ahayn in Puntland gaarkeeda u maamulato garoonka, wuxuuna Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ugu baaqay inay soo faro galliyaan xiisada ka aloosan magaalada Gaalkacyo.

Warar madax banaan oo soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya Qaybdiid oo ay isku xiran yihiin masuuliyiinta Villa Somalia inay damacsan yahay sidii Gaalkacyo loo keeni lahaa ciidamo ka socda AMISOM inta ka horaysana Galmudug ay abuurayso xiisad aan horay u jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM