Al-shabaab oo sheegatey mas'uuliyadda dilka Xildhibaan Siciid Nuur

Image

May 9, 2015 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka xildhibaan Siciid Nuur Dirir oo ahaa mudane ka tiran barlamaanka Putland, kaasoo xalay magaalada Gaalkacayo lagu toogtey xilli uu kasoo baxayey masjidka Abu Hureyra ee ku yaalla xaafadda Israac.

Qoraal kasoo baxay qaybta warbaahinta ee Al-shabaab ayaa lagu sheegay in iyagu mas'uul ka yihiin dilka xildhibaankaas oo sida Al-shabaab sheegtay kamid ahaa la taliyeyaasha gaarka ah ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

"mujaahidiinta ayaa ka takhalusay xildhibaan ka tirsanaa maamulka Puntland waana sii wadi doonnaa beegsiga mas'uuliyiinta ka tirsan Puntland..." sidaas ayaa qoraalka lagu yiri.

Waa xildhibaankii labaad oo ka tirsan Barlamanka Puntland ee muddo bil gudaheed ah Al-shabaab weerar qorsheysan ku disho. 

Bishii lasoo dhaafey ee April 18-keedii, ayey ahayd markii mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab ay magaalada Muqdisho ku dileen Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo isna ka tirsanaa barlamaanka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM