Al-shabaab oo sheegtay weerarkii guriga Guddoomiyaha Bari

Image

February 28, 2015 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkii habeen hore lagu soo qaadey hoyga uu magaalada Bosaso ka deggen yahay Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab oo soo xiganeysa sarkaal ururkaas ka tirsan oo aan la magacaabin ayaa baahisey in weerarkaas ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan xoogagga Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis.

Al-shabaab ayaa ku gooddidey inay sii wadi doonto weerarrada caynkan ah ee ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah.

Weerarkii habeen hore lagu soo qaadey guriga Guddoomiyaha goblka Bari wuxuu ahaa kii saddexaad ee noociisa ah ee muddo bil gudaheed ah ka dhaca magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Labadii weerar ee hore oo sidan oo kale mas'uuliyaddooda ururka Al-shabaab u sheegtay waxaa midkood lagu soo qaadey saldhigga booliska ee Baalade halka mid labaadna lala beegsaday goob fariisin u ahayd ilaalada gaarka ah ee taliye ku-xigeenka booliska Puntland.

Ammaanka magaalooyinka Bosaso iyo Galkacayo ayaa soo xumaanayey todobaadyadii u dambeeyey, waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli dhowaan Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xilalka ka xayuubiyey qaar kamid ah saraakiisha ugu sarreysa laamaha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM