Al-shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda weerarkii saldhigga Baalade

Image

April 18, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa sheegatey mas'uuliyadda weerar xalay fiidkii lagu soo qaadey saldhigga booliiska Baalade ee ku yaal xaafadda New Bosaso.

Mid kamid ah baraha internetka ee taageera Al-shabaab ayaa baahisey in weerarkaas ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan xoogagga Al-shabaab ee buuraleyda Golis.

Ugu yaraan saddex nin oo ku hubeysnaa bumbooyinka gacanta iyo qoryaha darran doorriga u dhaca ayaa saldhigga dhowr jiho kasoo weeraray.

Qarax ayuu ku bilowdey weerarku waxaana intaas kaddib xigey rasaas qaddar daqiiqado ah socotey taasoo dhex martey kooxda duullaanka soo qaaddey iyo ciidamada.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo la hadley VOA ayaa sheegay in dhaawac fududi soo gaarey taliyaha saldhigga la weerarey oo lgu magacaabo Siciid Cali Ibraahim.

Taliyuhu wuxuu dhanka kale sheegay in hawlgal ciidamadu isla xalay ka sameeyeen xaafadda New Bosaso lagu soo qabtey dhowr qof oo falkan lala xiriirinayo.

February 3, 2015 Al-shabab ayaa  sidan oo kale weerar qorsheysan ugu soo qaaddey saldhigga booliska Baalade. Hal askari ayaa ku dhaawacmey weerarkaas labo gaarina waa lagu gubey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM