Al-shabaab oo soo weerartey ciidamo ku sugnaa deegaanka Yalho

Image

May 4, 2015 (GO)- Ciidamo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa caawa weerar gaadmo ah kusoo qaadey saldhig ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin tuulada Yalho oo qiyaastii 50km magaalada Bosaso koonfurta kaga beegan.

Dagaal xooggan ayaa dhex maray kooxaha weerarka soo qaadey iyo ciidamada, waxaana lagu soo warramayaa inuu jiro khasaare soo kala gaarey labada dhinac.

Wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayso ayaa tibaaxaya in weerarka ugu yaraan labo askari ku dhinteen saddex kalena lagu dhaawacey. Askarta dhaawaca ah waxaa loosoo qaadey dhanka magaalada Bosaso.

Tiro askar ah oo qaarkood dhaawac qabaan ayaa la la'yahay ilaa iyo hadda madaama weerarkaan uu dhacey goor habeenimo ah.

Kooxaha weerarka soo qaadey ayaa gubey labo gaari oo nooca dagaalka ah oo ay ciidamdu lahaayeen, waxay sidoo kale dab qabadsiiyeen guri iyo berked ka dhisnaa goobta fariisinka u ah ciidamada.

Sidoo kale wararka laga helayo deegaanka Yalho ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay u suurto gashay in muddo kooban ay deegaankaas gacanta ku dhigaan, balse markii dambe ay isaga baxeen.

Tuulada caawa lasoo weerarey oo ku taalla silsiladda buuraleyda ee Golis waxay masaafo aan badneyn u jirtaa deegaannada Sugurre iyo Galgala, halkaasoo marar badan oo hore ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ugu dagaallameen.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM