Al-shabaab oo u hanjabtey shaqaalaha Qaramada Midoobey

Image

April 22, 2015 (GO)- Af-hayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa ka hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee labo maalmood kahor ay magaalada Garowe kula beegsadeen gaari bas ah oo sidey qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Cali Dheere wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan weerarrada caynkan oo kale ah isagoo xusey in Qaramada Midoobey qayb ka tahay dhibaatada Soomaaliya sidaas darteed mar walba ay beegsan doonaan xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobey.

"kuwa sheegta Qaramada Midoobey inta ay joogaan Soomaaliya kuma nabad galayaan, waxay dhadhamin doonaan rasaasteena" ayuu yiri.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee labo maalmood kahor ka dhacay Garowe waxaa ku geeriyoodey lix qof oo afar kamid ah ajnebi ahaayeen,  waxaa sidoo kale ku dhaawacmey todoba qof oo shan kamid ahi Soomaali yihiin.

Dowladda Puntland, Dowladda Federaalka iyo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareeyey weerarkaas kuna tilmaamey fal waxashnimo ah.

Al-shabaab ayaa horay deegaannada ay ka taliso uga mamnuucdey hay'adaha Qaramada Midoobey, maadaama ay ku eedeysey inay basaas u yihiin Dowladda Federaalka iyo ciidamada AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM