Amniga degmada Burtinle oo la adkeeyay

Image

GAROWE- Ammaanka degmada Burtinle gobolka Nugal, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamada Boliisku maalmihii ugu dambeeyay samaynayeen howgallo kala duwan kuwaas oo dhacayay habeen iyo maalin.

Arrintan ayaa la sheegay in looga hortagayo weeraro ay gaystaan kooxda Al Shabaab inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Taliyaha Saldhigga Degmada Burtinle Saciid Cabdi Axmed, oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo lasoo qabtay mudadii baaritaanku socday, wuxuuna tilmaamay inay u kala soocaan dabiile iyo dambi laawe dib xorriyadiisa loo siiyo.

Wuxuu sheegay in amniga degmadu uu aad u wanaagsanyahay, balse wali socdo howlgallada amniga lagu sugayo.

Dhinaca kale, waxaa sidaasi si lamid ah amnigooda loo adkeeyay magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyadoo xilliyada habeenkii baaritaano kala duwan lagu sameeyo gaadiidka iyo dadka jidadka isticmaalaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM