​Amniga Garowe oo laga shiray

Image

GAROW- Kulan maanta isug yimaadeen saraakiishada ciidamada, maamulka caasumadda iyo guddiyada xaafadaha maglada Garowe, ayaa looga hadlay sidii loo adkayn lahaa aammaan magaalo madaxda Puntland.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray qaabkii loo xoojin lahaa xasiloonida caasumadda, maadama ay kooxo katirsan Shabaab lagu jabiyay dagaalo ka dhacay gobollada Nugal iyo Mudug, waxaana intii uu socda kulanku la isla soo qaaday sidii shacabka iyo laamaha ammaanku xiriir wadashaqayneed u yeelan lahaayeen.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntland Sareeye Guuto Cabdirsaaq Maxamud Yusuf "Afgaduud" oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in cadowgu meel kasta joogo islamarkaana raadinayaan qorshe kasta oo Puntland kusoo gali karaan, wuxuuna xusay in la xoojiyay howlgalka degmooyinka oo dhan si looga hortago weeraro argagixiso.

Afgaduud ayaa xusay inay hadda gacanta ku hayaan dad badan oo siyaabo kala duwan loo qabtay, wuxuuna sheegay in dadkaas iyo cid walba oo laamaha amnigu gacanta ku dhigaan lala tiigsanayo sharciga, isagoo ugu goodiyay shakhsi kasta oo amni darro wada inuusan Puntland nabad kusii joogi doonin.

Dhinaca xafladaasi, waxaa ammaan iyo bogaadin loo jeediyay shacabkii iskood isu xilqaamay ee gurmadka u fidiyay ciidamada difaaca Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM