Amniga magaalo madaxda Garowe oo lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga nabadgelyada gobolka Nugaal oo Isniinta maanta ah ku kulmay Garowe ayaa soo saarey go'aan quseeya amniga magaalo madaxda dowlada Puntland.

Ugu horeyn, waxay isla qaateen in ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PMPF, PSF iyo ilaaladda madaxtooyada dowlada Puntland lagu wareejiyo ammaanka guud ee caasimadda.

Talaabadan oo ku meel gaar ah ayaa socon doonta inta laga dhameystirayo dib-u-habeynta balaaran ee lagu waddo ciidamadda qalabka sidda.

Sidda lagu sheegay qoraal ay soo saareen kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, bileyska waa in kontaroolada uu si degdeg ah ugu wareejiyaa ciidamada isku dhafka ah.

Ugu dambeyntii, waxay soo jeediyeen in lala dagaalmo khamriga iyo xashiishka oo "ka qeyb-qaata amni daradda". Si lamid ah waxay ku baaqeen in la hubiyo tirada iyo tayada ciidanka.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM