Ardayda Puntland oo waajahaya Shahaado la’aan iyo duruufo adag

Image

GAROWE, Soomaaliya - Ardayda Puntland oo wax ku barta Duruufo aad u adag marka la eego kuwa wax ka barta deegaanada kale ee Soomaalida balse Puntland waxaa lagu amaanaa imtixaanka midaysan ee shahaadiga oo ay galaan sanad kasta fasalka Afraad ee dugsiga sare iyo fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe iyo Manhajka midaysan ee waxbarashada iskuulada gudaha Puntland.

Shahaadada dugsiga sare ee Puntland oo ah midda u qaalisan Soomaaliya ayaa Ardaydu ay ku qaataan $25 (labaatan iyo shan Dollar) waxaana u dheer imtixaanka marka ay galayaan fasalka afraad ee dugsiga sare iyo sideedaadka in laga qaado kharash u dhaxeeya, $30-50 (sodon ilaa konton Dollar) iyada oo lagu magacaabo kharashka Imtixaanka.

Sanad kasta ku dhawaad toban kun oo arday ayaa kasoo baxa dugsiyada sare ee Puntland iyaga oo qaata shahaada Puntland oo aysan ku khasbanayn si ay u qaataan mida dowlada federaalka ah balse waxaa markii labaad haysta dhibaato aysan saamayn ku leh isla markaana aysan garanayn meel ay xalkeeda ka doonaan.

''Wasaaradda markii aan tagnay waxaa naloo sheegay in aan qaadano tan Puntland mida federaalkana aan Xamar ka doonano ayaa naloo sheegay waa arin cuqubo ah'' ayuu Garowe Online u sheegay mid kamid ah waalidiinta. Hadaba imisa Arday ayaa awooda in ay diyaarad, Hotel iyo kharashaadka kale iska bixiyaan si ay Muqdisho ugu doontaan shahaadadii ay xaqa u lahaayeen?

Maxaa Sal u ah arintaan?

Garowe Online ayaa ogaatay in Wasaarada Waxbarashada ee dowlada federaalka Soomaaliya ay aqbalsan tahay Mabda' ahaan in shahaadada dugsiga sare ee federaalka laga bixiyo Garowe iyo Boosaaso balse taasi uu diidan yahay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni oo isagu gebi ahaanba joojiyay xiriirka federaalka tan iyo intii looga soo guuleystay doorashadii federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacday May 2022.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wasaarada waxbarashada dowlada federaalka Soomaaliya ay diyaar la tahay in ay Puntland la qeybsato bixinta mushahaarka shaqaalaha ka shaqaynaya bixinta shahaadada federaalka ee gudaha Puntland balse dadaal kasta oo la sameeyo uu ka socon la'yahay dhanka Puntland ayna dhibane u yihiin arday sanado badan wax ku baranayay duruufo aad u adag ayna adag tahay arday kale oo dunida ah in uu aqbalo.

Waalidiinta Ardayda ayaan ilaa hadda arintaan ka hadlin iyada oo la is waydiinayo sababta Puntland ay xukuumada uu hogaamiyo madaxweynaha Xil-hayntiisa Dastuuriga ah maalmaha uga harsan yihiin, Siciid Deni uu caqabad ugu yahay markasta mustaqbalka ardayda oo aan iyagu qaadi karin kharash safar iyo sahay joogid midna.

Maamulayaasha dugsiyada sare ee Puntland iyo ururada Waxbarashada ayaan iyagu looga baran in ay soo faro-geliyaan waxyaabaha saamaynaya mustaqbalka Ardayda iyaga oo aamuska dan bida markasta oo ay arin taagan tahay si aanay saamayn ugu yeelan xiriirka ay la leeyihiin wasaaradda waxbarashada Puntland.

Garowe Online

Related Articles

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM

Wasiirka Gargaarka Puntland oo su’aallo laga waydiiyay ka hortagga abaaraha

Marwo Ubax ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:17AM