Askar ka tirsan ciidanka Puntland oo maanta lagu dilay Isku Shuban

Image

ISKU SHUBAN [Garowe Online]- Nin shacab ah ayaa saaka degmada Isku shuban ee Gobalka Bari ku dilay labo Askari oo ka tirsanaa ciidanka badda Puntland iyo ciidanka booliska.

Lama yaqaan sababta ka danbaysa dilka labadaani askari balse wararka GO uu ka helayo degmadaasi ayaa sheegaya inuu salka ku hayo arrimo aano qabiil ah waxana socda dadaalo lagu aasayo askarta geeriyooday.

Askari ka mid ah ciidanka badda Puntland ''MPMF'' oo magaciisa ka gaabsaday in la baahiyo ayaa sheegaya xaalada degmadu inay kacsan tahay oo laga yaabo dilka labadaani askari inay isku badasho dagaalo xoogan.

Degmada Isku shuban waxaa shalay soo gaaray Taliyaha ciidanka booliska Gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen iyo Odayaal kale kuwaasoo waday dadaal lagu dhexgalayo beelo dagaal ku dhexmaray degmada.

Balse waanwaantii socotay ayaa waxaa caqabad ku noqotay dilka labadani askari oo mid ka mid ah uu degmada u yimi sidii arintan taagan loo dhamayn lahaa.

''Wararka isoo gaaraya ayaa sheegaya dilka labadani askari inuu yahay mid xiisad ka abuuraya Isku-shuban, Askariga Booliska ah Aabihiis ayaa wuxuu dilay ninka maanta wax dilay walalkiis taasoo sabab u ah ayay dadka deegaanku ii sheegeen balse xaaladu way kacsan tahay ilaa wali''.

Maamulka degmada iyo saraakiisha ku sugan Isku-shuban falkan wali kama aysan hadlin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM