Askar lagu haysto Xabsi Garowe iyo baaq loo diray Baarlamanka Puntland [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Labo askari oo kamid ah ciidamada ilaalada xabsiga dhexe ee magaalada Garowe ayaa waxay maxaabiis gadoodsan ku haystaa gudaha xabsigaasi, sidda warsidaha GO ay u sheegeen illo wareedyo xog ogaal ah.

Saraakiil ciidan ayaa xaqiijiyay inay socdaan howlgallo ujeedkoodu yahay sidii loosoo furan lahaa askartaasi, iyada oo ay illaa iyo haatan guuldareysteen dhowr isku-day oo ay qaadeen xoogaga dowlada.

Ciidamada oo ku hareeraysan guud ahaan xabsiga ayaa waxay iska dhowrayaan in howlgalkooda uu ka dhasho khasaaro nafeed, iyaga oo raba inay si nabdoon kusoo furtaan askarta, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Xabsiga dhexe ee magaalo madaxda Puntland ayaa lagu maal-geliyay lacago deeq ah oo ay bixisay Midowga Yurub, iyadda oo mashruuca lagu dhisay ay gacanta ku haysay Qaramada Midoobay.

Inta badan jeelkaan ayaa waxaa lagu xiraa xubnaha lagu soo eedeeyay gal-dacwadeedyadda la xiriira Burcad Badeednimadda iyo xubnaha ka tirsan ururka Al Shabaab ee cilaaqaada la leh Al-Qaacida.

Dhacdaan ayaa kusoo aadaysa iyadda oo Puntland ay ku guda jirto udiyaar-garowga doorashada madaxwaynaha oo lagu bedalamay inay qabsoonto 8-da bishaan Janaayo 2019 oo ku beegan Talaadda soo aadan.

Dhinaca kale, Saraakiil hore oo ka tirsanaa Ciidanka Puntland ayaa ka hadlay xaalada ka jirta Puntland. Ciidaman waxay baaq u direen Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ugu baaqeen in ay ka foojignadaan laaluushka ayna ka fakaraan masiirka Puntland ee mustaqbalka fog iyo kan dhow.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM