Askari dilay Saddex ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland

Image

02 November, 2015(GO)-Saddex askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa maanta lagu dilay buuraha Gal-gala, waxaana falkaasi gaystay askari kale oo ciidanka ka tirsan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee askarigani u laayay nimankan ay isku ciidanka ahaayeen, balse waxaa socda baritaan arrintaasi lagu xaqiijinayo.

Ciidanka ayaa toogtay askarigii falkaasi gaystay ka dib markii laga baqay inuu gaysto khasaaro ka badan mid ka dhacay, waxaana maydka afartaasi ruux loo soo qaaday magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Sarkaashiga amniga Puntland ilaa hadda kama aysan hadlin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM