Askari 'fududeeyay' dilka maareeyihi P&O ee dil lagu xukumay

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda Dambiyadda Culus ee Puntland ayaa maanta oo Isniin ah dil toogasho ku xukuntay askari lagu eedeeyay in uu fududeeyay dilka meeryihii dekadda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports.

Paul Anthony Farmosa, oo kasoo jeeda Jaziiradda Malta, ayaa 4-ta bishii Febraayo ee sanadkan 2019 lagu khaarijiyey qaybta Kaluunka ee marsadda xarunta gobolka Barri, iyadda oo uu ka dambeeyay shaqsi hubeysan.

Ciidamadda ammaanka ayaa isla goobta ku toogtay dableyga, kaasi oo dhaawac ahaan loo dhigay isbitaal kahor inta uusan geeriyoon, isaga oo ay la tacaalayaan xaaladiisa dhakhaatiirta.

Dable Cabdi Cali Xirsi, oo ka tirsan Ciidamadda Badda Puntland, ayay xeer-beegtaddu sheegtay in uu dambiga ku cadaadey, isla markaana lagu xukumay "ciqaabta uu mudan yahay".

Xirsi ayaa wuxuu haystaa fursad uu Racfaan uga qaadan karto xukunka dilka toogashadda ah ee garka loo geliyay, sidda ay ka dhawaajiyeen garsooreyaasha.

Xukunkan ayaa kusoo beegmayaa iyadda oo Puntland ay dhowaan shaaca ka qaadey in ay soo bandhigeyso baaritaano madax banaan oo ay ku sameysay cidda ka qayb-qaadatay falkaasi.

Shaacintaasi ayaa timid markii wargeyska New York Times uu qoray in qarax bishii May ka dhacay Boosaaso ay ku lug-lahayd Qadar, hadafkuna ahaa curyaaminta danaha Imaaraadka.

Wadamadda Khilaafka oo tan iyo markii uu qarxay khilaafka dhexdooda ah ayaa saameyn togan ku yeeshay siyaasadda dalal ay ku jirto Soomaaliya.

P&O Ports ayaa wakiil ka ah shirkadda DP World, oo fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta, taasi oo maamusha dekaddaha qaar ee Soomaaliya ayna kamid tahay marsadda Berbera.

MUUQAALKA MAXKAMADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM