Axmed Cawil iyo safarkiisii miyiga Nugaal [Warbixin+Sawirro]
HORDHAC
Magacaygu waa Axmed Cawil Jaamac, nasiib waxan u yeeshay inaan kamid noqdo koox wariyeyaal ah oo ka qayb qaatey Barnaamijka Wariyaha iyo Warka. Barnaamijkaas oo hay'adda PDRC maal gelisey, waxay ujeedada laga leeyahay tahay in wariyaha fursad loo siiyo diyaarinta warbixino dhinacyo badan taabanaya iyadoo laga caawinayo tegista goobaha uu rabo in uu warka kasoo diyaariyo.
Safar muddo todobaad ah qaatey ayaan galay, waxanna booqday deegaanno ka tirsan miyiga gobolka Nugaal, anigoo usoo kuur galay xaaladda nololeed ee dadka, soona qiimeeyey baahiyaha ay qabaan, gaar ahaan: caafimaadka iyo waxbarashada.
Deegaannada aan tegey
Muddadii asbuuca ahayd ee aan safarka ku jirey, waxaan tegey deegaanno ay kamid yihiin: Sin-u-jiif iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran; Kalabayr iyo dhulka miyiga ah ee ku xireen, Reemanti, Awr-culus, Qaaf-qaris iyo Yoombeys.
Dhammaan goobahaas waxan kusoo arkey arrimo kala duwan oo qaarkood ay mudan yihiin in wax laga qoro. Meelaha qaar dadku waxay ka cabanayeen adeegga caafimaadka oo liita, qaar kale waxay ka cabanayeen waxbarasho la'aan halka deegaanada qaarna ay biyo la'aani ka jirtey.
Ilaalinta deegaanka
Marka aan dib u miliscsado sida uu sanado kahor deegaanku ahaa, waxan soo arkay is-beddel fiican oo mudan in la bogaadiyo. Reer-guuraagu waxay sameysteen ciidamo madani ah oo loo xil saaray ilaalinta deegaanka.
Ciidankan oo leh gaadiid iyo hub ay ku hawl-galaan, waxay shaqadooda koowaad tahay inay ka hor tagaan wax kasta oo waxyeeli kara deegaanka islamarkaana horseedi kara nabaad guur.
Gawaarida looma oggola inay waddada ka leexdaan oo ay dooxooyinka dhex maraan, lama oggola in la jaro ama dhuxul laga shido dhirta qoyan, lamana oggola in qoysaska reer guraagu degaan meel kasta, gaar ahaan meelaha xoolo-daaqsinka ah iyo balliyada.
Odayaasha dhaqanka ayaa qorshahan ula yimid dowladda, iyagoo ka codsaday ina gacan laga siiyo, dowladuna way ku taageertay.
Qofkii jebiya xeerarkaas kor ku xusan, waxaa soo qabta ciidamada madaniga ah, waxayna kusoo wareejiyaan booliska gobolka Nugaal.
Adeegga caafimaadka
Dadku waxay ka cabanayeen dawo la'aan, goobaha caafimaadka oo yar tayo fiicanna aan lahayn iyo weliba hawl-wadeennada caafimaadka oon xirfad wanaagsan lahayn tiradooduna yar tahay.
Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka tuulooyinka Reemanti, Awr-culus, Qaaf-qaris iyo Yoombeys ayaa dowladda ugu baaqay inay xil iska saarto sidi deegaanadaas loogu soo diri lahaa kooxo soo qiimeeya xaaladda islamarkaana loo gaarsiin lahaa adeeg caafimaad.
Odayaashu waxay sidoo kale codsadeen in loo dhiso xarumo caafimaad loona tababaro dad ku shaqeeya goobahaas. Si gaar ah waxay u dalbadeen umulisooyin iyo kaalkaaliyeyaal.
Dhanka caafiimaadka xoolaha haddii aynu eegno waxaa jiray tabashooyin reer guuraagu qabeen. Si gaar ah reer guuraagu waxay uga cabanayeen xanuun ku dhaca geela oo ay u yaqaanaan " Koor Dhegeystey".
Baaq ayey geellaydu usoo dirsadeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, iyagoo ka codsaday inay kooxo caafimaad usoo dirto si cudurkaas loo xakameeyo kahor intuusan si baahsan ugu faafin deegaanka.
Arrimo si gaar ah ii xiiso geliyey
Dadkii aan miyiga ugu tegey waxay ahaayeen kuwo xog badan haya, una dhuun daloola siyaadda islamarkaana si weyn ugu xiran warbaahinta. Badi dhallinyarada iyo odayaashu waxay wateen raadiyeyaal ay kala socdaan idaacadaha, balse arrinta sida gaarka ah ii xiiso gelisey ayaa ahayd markii aan arkey wiil geel-jire ah oo adeegsanaya Facebook!
Sheeko kooban ayaa na dhex martay, wuxuu ii sheegay in magaciisu la yiraahdo Yuusuf Siciid, Facebookna uu baray walaalkiis ka weyn oo magaalada deggen. Mar aan weydiiyey su'aal ahayd maxaad ka faa'iidda Facebook? Wuxuu iigu jawaabay:
"akhbaaraadka ayaan kala socdaa, saaxiibbo iyo qaraabo maqan ayaan kala hadlaa...maalin dhoweyd oo labo halaad oo walaalkey leeyahay ay dhaleen waa sawiray waana u diray" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey " xataa WhatsApp waa aqaan sida loo isticmaalo"
Waxyaabaha kale ee aan la yaabay waxaa kamid ah qaabka uu isu bedeley arooska baadiyuhu. Badi agabka guriga baadiyaha waxaa laga keenay magaalada, waxase si gaar ah ii cajab geliyey markii aan arkay aqal Soomaali gudihiisa loo sharraxay sida guriga magaalada oo la dhigay joodariyaal, fadhi, miis iyo katabaan!
Gaba gabo
Waxan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Hay'adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC maadaama ay na siisey fursad qaalli ah. PDRC waxan ku bogaadinayaa in ay sii dardargeliso barnaamijka Wariyaha iyo Warka, sababtoo ah waxaa jira wariyeyaal badan oo ay maankooda ka guuxayaan fikrado muhiim ah, islamarkaana daneynaya inay warbixino qiimo leh diyaariyaan balse duruufo dhaqaaluhu kow ka yahay himiladaas ka hor taagan yihiin.
Agaasimaha Radio Garowe