Baaritaano ka bilowday magaalada Gaalkacyo kadib dilka Xildhibaan

Image

GAALKACYO, Puntland – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dil xalay waqoyga Gaalkacyo oo ay ka arimiso Puntland loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Degaanka magaaladaas.

Mukhtaar Axmed Cumar oo loo garan ogyahay Tinle waxaa lagu waramay in la beegsaday xili uu fadhiyey mehrad ku dhow xeradii hore ee Darwiish oo ku taala xaafada Is-raac.

Laba ruux oo ku hubeysan bastoolad ayaa la sheegay in ay geysteen toogashadda. Tinle wuxuu sidoo kale ahaa ganacsado, sidda ay sheegeen qoyskiisa.

Goobjoogeyaal ayaa intaas ku darey in dableydu ay goobta ka tageen marxuumka oo dhaawac ah, balse nasiib darro uu geeriyooday markii la geeyay Isbitaalka.

Mas'uuliyiinta ammaanka ayaa xaqiijiyey in gacan ku dhiigleyaasha ay dhaawaceen askari ka hor-yimid xili baxsad ahaayeen.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, wallow dhacdooyinka noocaan ah looga bartay maleeyshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish faraca Soomaaliya.

Laamaha ammaanka ayaa la tilmaamay in howlgalo ay saaka ka bilaabeen xaafadaha ku dhow aaga ay wax ka dhaceen, iyagoo doonaya in ay soo qabtaan kooxihii toogashada geystay.

Dilkaan ayaa wuxuu qeyb ka yahay falalka lagu khal-khal gelinayo nabad-gelyada Gaalkacyo, oo ah magaalo ay dhinaca waqooyi ka taliso dowlada Puntland, halka koonfur uu ka jiro maamul hoostaga Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM