Baarlamaanka PL oo ka doodaya xeerka guddiga doorashooyinka

Image

December 2, 2014 (GO)- Baarlamaanka Puntland oo weli ku jira kal-fadhigiisii 34aad ayaa maanta loo qaybiyey hindise-sharciyeed ku saabsan wax-ka-bedel lagu sameeyey qodobo kamid ah xeerka guddiga doorashooyinka Puntland.

Xeerkan oo markiisii ugu horreysey la ansixiyey bishii January ee sanadkii 2011 waxaa  shan maalmood kahor wax-ka-bedelka lagu sameeyey shirkoodii todobaadlaha ahaa ku meel mariyey Golaha Wasiirrada Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire ayaa ugu horeyn golaha u faah faahiyey hindise-sharciyeedka isagoo sheegay in xeerkaasi yahay mid horay u jirey balse lagama maarmaan loo arkay in wax laga bedelo.

Xildhibaannada ayuu ka codsaday inay isha soo mariyaan isagoo intaas raaciyey in maalinta Sabtida ee soo socota laga doodi doono.

Ugu dambeyntii waxaa hindise-sharciyeedka loosoo gudbiyey baarlamaanka golaha ka hor akhriyey Xog-haya Guud ee Golaha Wakiillada Puntland Cali Axmed Saalax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM