Baarlamaanka DF oo ka carooday hadalkii Nicholas Kay Dhagayso

Image

November 3, 2014 (GO) Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somalia ayaa ka carooday hadalkii qoraalka ahaa ee xalay kasoo baxay xafiiska Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Danjire Nichalos Kay.

Fadhiga maanta ayaa lagu soo hadal qaaday war-saxaafadeedkaaso oo xitaa Kay ku sheegay inuu ka cabsi qabo Baarlamaanka in lacag la siiyo si looga helo cod lagu rido wasiirka kowaad ee dalka.

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo ka mid ah Baarlaaanka Somalia ayaa VOA u sheegay galabta inay ka caroodeen qoraalkii Kay oo uu sheegay inaysan ka filayn xafiiska QM ee dalka inuu aragti noocaas ah kasoo baxdo.

Waxa uu sheegay Xildhibaankan inay sharci u lee yihiin keenista mooshin kalsooni kala laabasho ah hase yeeshee ay ka xun yihiin Qaramadda Midoobey warka kasoo baxay.

Docda kale kulan gaar ah ayay xalay Villa Somalia ku yeesheen masuuliyiinta ugu saraysa dowladda Federaalka Somalia kaasoo looga hadlayay xalinta khilaafka jira iyo sidii looga jawaabi lahaa qoraaladii kasoo baxay Midowga Yurub iyo Qaramadda Midoobay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Jawaari inuu wado dadaal looga hortagayo mooshinka laga keenay Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed.

Villa Somalia ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad u mashquul-sanaa waxaa xafiisyadda Xasan Shiikh iyo Cabdiwali Shiikh Axmed ku qul-qulayay siyaasiyiin iyo xildhibaano siyaabo kala duwan u taageersan masuuliyiinta is haya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM