Baarlamaanka DF oo ka carooday hadalkii Nicholas Kay Dhagayso

Image

November 3, 2014 (GO) Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somalia ayaa ka carooday hadalkii qoraalka ahaa ee xalay kasoo baxay xafiiska Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Danjire Nichalos Kay.

Fadhiga maanta ayaa lagu soo hadal qaaday war-saxaafadeedkaaso oo xitaa Kay ku sheegay inuu ka cabsi qabo Baarlamaanka in lacag la siiyo si looga helo cod lagu rido wasiirka kowaad ee dalka.

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo ka mid ah Baarlaaanka Somalia ayaa VOA u sheegay galabta inay ka caroodeen qoraalkii Kay oo uu sheegay inaysan ka filayn xafiiska QM ee dalka inuu aragti noocaas ah kasoo baxdo.

Waxa uu sheegay Xildhibaankan inay sharci u lee yihiin keenista mooshin kalsooni kala laabasho ah hase yeeshee ay ka xun yihiin Qaramadda Midoobey warka kasoo baxay.

Docda kale kulan gaar ah ayay xalay Villa Somalia ku yeesheen masuuliyiinta ugu saraysa dowladda Federaalka Somalia kaasoo looga hadlayay xalinta khilaafka jira iyo sidii looga jawaabi lahaa qoraaladii kasoo baxay Midowga Yurub iyo Qaramadda Midoobay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Jawaari inuu wado dadaal looga hortagayo mooshinka laga keenay Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed.

Villa Somalia ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad u mashquul-sanaa waxaa xafiisyadda Xasan Shiikh iyo Cabdiwali Shiikh Axmed ku qul-qulayay siyaasiyiin iyo xildhibaano siyaabo kala duwan u taageersan masuuliyiinta is haya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM